الاثنين، أكتوبر 06، 2008




Sh. Xasan Turki oo kamid ah hoggaamiyayaasha Islaamiga ah ee Somalia, ayaa si weyn u difaacay maamulka dhawaan loo dhisay Kismaayo, isagoo sheegay inuusan qabiil aheyn.
Sh. Turki, ayaa sheegay in markii hore uu qorshuhu ahaa inaan la weerarin magaalooyin eysan joogin ciidanka Ethiopia. Balse wuxuu sheegay in qaar kamid ah "mujaahidiinta" ay weerareen magaalada, gacantoodana ay soo gashay.

'Qabiil kuma dhisna'

Sh. Turki ayaa sheegay in maamulka looga dhawaaqay Kismaayo, oo sida uu sheegay madax uu ka yahay nin ku dhashay Hargeysa, uusan aheyn mid ku saleysan 4.5, balse uu yahay mid Islaami ah, oo qancin kara diinta Islaamka.

Sheekha ayaa ku celceliyey in maamulku uu ku siman yahay magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in maamul heer gobol ah loo sii gudbi doono markii uu gobolka gacanta u soo galo.

Cabsi kama qabo Mareykanka

Sh. Turki, oo ku jira liiska argagixisada ee Mareykanka, ayaa sheegay inuusan cabsi ka qabin in Mareykanku uu soo weeraro goobta uu ku sugan yahay. Wuxuu sheegay inay sharaf u tahay in liiskaas lagu daray, iyo inay kheyr u tahay haddii uu Mareykanku dilo.

Kala jabka Isbaheysiga

Sheekha ayaa sheegay inuusan kala taageersaneyn labada garab ee Isbaheysiga Dibu Xorenta. Wuxuu sheegay inuu isagu yahay wadaadka ugu weyn ee hoggaaminaya kooxaha kacdoonka, sidaas darteedna uusan ku mashquulsaneyn arrimaha siyaasadda.

Maxaa xal ah?

Mar Sheekha su'aashaas la waydiiyey, ayuu sheegay in xalku yahay in dagaal lagu saaro Itoobiyaanka, ee aan muddo loo qaban. Wuxuuna intaas raaciyey in markii la saaro Itoobiyaanka, ay tahay in Diinta Islaamka lagu dhaqo dalka Soomaaliya.

Wuxuuse ku celceliyey inay muhiim tahay in inta ay Itoobiyaanku joogaan, aan lala dagaallamin Soomaalida kale.



http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2008/09/080908_xasan_turki.shtml

ليست هناك تعليقات: